4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Rasaas khasaare sababtay oo lagu furay gaari dad rayid ah la socdeen dulleedka Beledweyne

 

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) -Rag hubeysan ayaa xalay rasaas ku furay gaari ay la socdeen dad rayid ah dulleedka magaalada Beledweyne.

Inta la og yahay hal qof ayaa ku dhintay, kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen, markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaariga ay saarnaayeen dad shacab saarnaayeen.

Weerarka ayaa intaa ku daraya in gaariga la rasaaseeyay uu marayay deegaanka Calool Cad oo Beledweyn u jirta illaa 7KM, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Beledweyne.

Gaariga ay la socdeen dadka shacabka ayaa la sheegay in uu ka yimid dhanka magaalada Muqdisho, waxaa uu ka mid ahaa gaadiidka safarada dheer gala.

Ciidamada ammaanka maamulka degmada Beledweyne ayaa la sheegay inay ku baxeen halkii lagu rasaaseeyay gaariga.

Ilaa iyo hadda lama oga kooxaha hubeysan ee rasaaseyay gaariga in ay ahaayeen kuwo doonayay inay dhacaan iyo in kale, balse gaariga ayaa marna istaagin intii ay rasaasta ku socotay

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]