4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga

 

Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Mudane Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Soomaaliya, waxa uuna ammaanay xiriirka walaaltinnimada leh ee kala dhexeeya Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa dhankiisa uga mahadceliyey sida diirran ee ay Dowladda Federaalka usoo dhaweysay isaga iyo wafdiga la socday, wuxuuna bogaadiyay dadaallada dib u heshiisiineed ee ay dowladda federaalka ka wado dalka iyo horumarka dhanka siyaasadda ay ku tallaabsatay.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa caddeeyey in ay fulin doonaan heshiisyadii ay Soomaaliya ku kala saxiixdeen Ankara bishii Jannaayo ee sannadkan, ayna ka bilaabayaan maalgashiga Kalluumaysiga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga sidii loo sii adkeyn lahaa, loona horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga, wuxuu Madaxweynuhu ku bogaadiyey dowladda Turkiga tababaridda, tayaynta iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliyeed si ay argagixisada uga sifeeyaan dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa sheegay in sannadkan ay kordhiyeen miisaaniyadda ay ku kabaan dowladda Federaalka, sidoo kalena ay maalgashi ku samayn doonaan Wabiga Shabeelle si  kor loogu qaado wax soosaarka Beeraha Soomaaliya. 

Waxaa kulanka kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi iyo Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Dhinaca Turkiga waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Olgan Bekar, Madaxa Hay’adda TIKA Mudane Serdar Çam, Xildhibaan Muhammed Müfit Aydın, Xildhibaan Halil Etyemez oo kamid ah xildhibaannada golaha Shacabka Turkiga.

Abdisalan Nor Dirie HiiraanOnline

[email protected]

Mugdishu-Somalia