4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2018
Dowladda oo sheegtay in gaadiid qaraxyo sida soo galeen magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay gaadiid qaraxyo sida oo ku jira magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka feejignaan sare la geliyay.

Shirkii golaha Wasiiradda ee maanta ayaa looga hadlay warbixino amni oo la helay iyaga oo digay qatar ka iman karta qaraxyo ka dhaca caasimada.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Golaha Wasiirada siiyay warbixin ku aadan xaalada amniga Muqdisho, isagoo sheegay in la helay xog sirdoon oo sheegaya in labo gaari oo qaraxyo sida inay ku jiraan magaalada.

Mid ka mid gaadiidka qaraxyada sida ayaa la sheegay in loo ekeysiiyay gaadiidka Shirkadda Adeegyada ee Sahal oo ka shaqeysa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis oo warbaahinta la hadlay markii kulanka uu soo dhamaaday ayaa sheegay in labo gaari qaraxyo sida ay ku jiraan magaalada, lana doonayo in laga feejignaado.

“Wasiirka Amniga ayaa warbixin laga dhageystay, Wasiirka wuxuu sheegay in xaaladaha ay aad u fiican yihiin, laakiinse uu jiro gaari NOAH oo loo soo ekeysiiyay mid ka mid ah Gawaarida shirkadda Sahal ee ka shaqeysa garoonka diyaaradaha, lana rabo in laga digtoonaado”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka uga digay qatartaasi amni iyo inay ka feejignaadaan gaarigaasi NOAH ah iyo gaariga kale, laamaha ammaanka dowladda ayuu sheegay in lagu amray inay soo qabtaan gaadiidkaasi qaraxyada sida ee Magaalada ku jira.

Waa markii u horeysay oo Xukuumadda ay digniin ka soo saarto gaadiidka qaraxyo oo ku jira magaalada, isla markaana la wadaagto shacabka, waxaana maanta oo dhan magaalada ka jiray dareen feejignaan leh iyo ciidamada oo me3laha qaar gaadiidka ka celinayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]