4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2018
Ra'iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga oo yimid Muqdisho

 

Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Waxaa duhurnimadii maanta oo Khamiis ah ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ra'iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa booqanaya saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa inta uu ku sugan magaalada Muqdisho la kulmi doona madaxda dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]