4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2018
Dagaal ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo

 

Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Wararka ka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerartay saldhig ciidamada Itoobiya ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Baardheere, waxaana dagaalka uu qaatay saacado.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen garoonka diyaaradaha, balse ciidamada Itoobiya ayaa iska difaacay weerarka, waxaana labada dhinac isu adeegsadeen hub culus.

Waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen madaafiicda iyo qoryaha noocyadooda kala duwan oo la isu adeegsanayay, inkastoo garoonka diyaaradaha uu ku yaallo meel banaanka ka ah Baardheere, ma jirto khasaare dadka rayidka ka soo gaaray dagaalkii xalay.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraray garoonka diyaaradaha Baardheere, iyadoo weerarada ay u badnaayeen kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa oo xilliyada qaar ay madaafiic laga soo riday meelo fog fog ay adeegsanayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]