4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2018
Madaxweyne Waare oo la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti

 

Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan uu Qasriga madaxtoyada Jabuuti kula qaatay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen howlgalka ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah midowga Africa AMISOM.

Madaxweyne Waare socdaalkiisa Jabuuti ku wehlinayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan iyo  Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Hiiraan, kuwaa oo madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladaha guud ee gobolka iyo howl galka AMISOM ee qeyb ka tahay Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Geelle ku wehliyay Wasiirka Difaaca Jabuuti iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti.

Madaxweyne Waare  oo la hadlay warbaahinta waxaa uu ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isagoo xusay in ciidamada Jabuuti ee ku sugan Hiiraan ay door weyn ka qaadeyn nabadeynta iyo amni soo celinta Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]