4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2018
Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay duqeyn 19kii bishan Maalintii Isniinta ka dhacday meel u dhow degmada Jillib oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe in ay ku dileen xubno ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Taliska Mareykankan Afrika ee AFRICOM oo war qoraal ah ka soo saaray duqeyntan ayaa wuxuu sheegay duqeyntan in lala beegsaday saldhig, laguna dilay saddex dagaalame oo Al-shabaab ka tirsanaa.

Wuxuu sheegay Mareykanka inta duqeyntan ay socotay in aan wax khasaare ah lagu gaarsiin dad shacab ah, keliya un lagu beegsaday xoogaga ururka Al-shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa Koonfurta Soomaaliya waxaa ay ku fulisaa duqeymo ay la eegato fariisimo ay sheegto inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ee xoogooda ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

Diyaarada oo Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore bartilmaameedsaday saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin waxaa ay ku dhishay ka tirsan saraakiisha iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]