4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2018
Duqa Muqdisho “ Waxaa jirta canshuur shacabka laga qaaday oo aan qasnada dowladda ku dhicin

 

Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka Soomaaliyeed , kuwaasoo aan ku dhicin Qasnadda dowladda.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in shaqsiyaad gaar ah ay adeegsadaan Hantidda loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka qaadi doonaan tilaabo sharciga waafaqsan , islamarkaana ay ku daba jiraan shaqsiyaadka falalkaasi ku kaca.

Gudoomiye Yariisow ayaa ugu dambeyntii tilmaamay in canshuurta laga qaado Shacabka ay muhiim tahay in ay ku dhacdo qasnadda dowladda si dib loogu soo celiyo.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray khilaaf xoogeystan oo u dhaxeeyay ganacsatada gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyada oo la xiriira canshuur ay Wasaaraddu ku soo rogtay ganacsatada oo iyaguna arintaan siweyn uga hor yimid.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]