4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2018
Itoobiya oo sii deysay ilaa 1, 500 maxaabiis ka tirsanaa Ururka ONLF

 

Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga ka sii deysay ilaa 1, 500 oo maxaabiis ka tirsanaa Ururka ONLF, kaddib wada hadalo magaalada Nairobi ku dhaxmaray saraakiil ka tirsan xukuumadda Itoobiya iyo xubno ka socda Ururka mucaaradka ah ee ONLF.

Dadka la sii daayay ayaa 100 ka mid ah la sheegay in ay ahaayeen maxaabiis siyaasadeed sida uu ku waramayo Ahmed Abdi oo ah khabiir ka faalooda xaaladaha Geeska Africa iyo Yemen.

Dadka la sii daayay ayaa dhamaantood la sheegay in ay ku xirnaayeen Jail Ogaadeeniya oo ku yaala magaalada Jigjiga.

ONLF ayaa sheegtay in ay wali jiraan maxaabiis kale oo ku xir xiran xarumo kala gedisan kuwaa oo u baahan in la sii daayo.

Dowladda Itoobiya ayaa horay uga eedeysay Ururka ONLF in ay geystaan dacadiyo ay ka mid yihiin, afduubyo,garaacis, iyo dilal aan sharci aheyn oo loo geystay dad rayid ah, oo ay ku jiraan masuuliyiinta dawladda iyo shakhsiyaadka looga shakisan yahay inay taageerayaan xukuumadda.

Ra’iisul wasaarihii Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu iscasilay ka dib markii uu sheegay in rabshaddaha dalkaasi ay bateen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]