3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2018
Duqa Muqdisho oo bixiyay dhul lagu tababari doono ciidamada xoogga dalka

 

Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow ayaa wareejiyey dhul ku yaalla degmada Wadajir ee deegaanka Jazeera oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dawladda Turkiga uga dhisi doonto xarun tababar oo casri ah.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in dhulkan ay lahaayeen intiisa badan ciidamada xoogga Dalka, isla markaana si-deg deg ah looga dhisi doono xarun qalabkeedu u dhameystiran yahay oo lagu tababarayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Dhulkan waxaan u bixinay dan guud in loo isticmaalo iyo sidii uu u noqon lahaa xarun lagu tababaro ciidamada, waana qorshe wax tar u leh bilicda iyo amniga gobolka iyo guud ahaan dalka.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisoow waxa uu sheegay in dhulkan qeyb ka mid ah ay lahaayeen dad shacab ah balse ay isku af-garteen wasaaradda gaashaandhigga dowladdaa federaalka ah in dadkaas loogu badelo dhulal kale oo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga dalka gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka wada hadlanay taliska ciidamada xoogga dalka iyo wasaaradda Gaashaandhigga sidii loo maareyn lahaa qaar ka mid ah bogcadaha dhulkan oo ay qaar lahaayeen dad shacab ah, Arrinkaas oo aan guddi baaritaan u saareyno cid kasta oo dokuminti sax ah la timaadana waxa aan u qoondeynaynaa dhul kale oo la qorsheyn doono”ayuu yiri Eng.Yariisow.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Mursal iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa bogaadiyey wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa ciidamada iyo bulshada Gobolka, iyagoona sheegay in ay kala shaqeynayaan maamulka gobolka sidii xal loogu heli lahaa dadka qeybta ku lahaa dhulkan loo aqoonsaday danta guud.

Taliyaha Xarunta Tababarka Turkiga ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Yaasiin ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimada leh ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna sheegay in ay kaalin muhiim ah siinayaan dib u dhiska Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/17/2018 10:39 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Orodyahan reer London ah ayaa kaalinta kowaad ku guulaystay tartankii ciyaaraha fudud ee orodka oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

2/17/2018 9:20 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Gulfood 2018 ama Carwada Cuntada Aduunka 2018 oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalda Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta ayaa berri ka furmi doona Dubai.

2/17/2018 9:09 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Dowladda Qatar ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya ilaa 30 gaari oo o loogu talagaly ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho.

2/17/2018 8:52 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Kulankan oo diiradda lagu saarayay xaaladaha dhanka ammaanka ee deegaanada Jubbaland iyo weliba sidii loo dardargelin lahaa....

2/17/2018 5:50 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Buq-A qable ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya goor dhaw Al-shabaab toogasho ku fuliyeen qof ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda.

2/17/2018 5:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Xog-hayaha guud ee Qaraamada Midoobay Antonio Guiteras ayaa u magacaabay dalka Yemen Ergay gaar ah oo cusub oo bedelaya ergaygii hore ee Qaraamada Midoobay Waliika ugu ahaa dalkaasi Ismail Walad Shekh Ahmed.

2/17/2018 4:08 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo maanta ah laga soo dajiyay 11 tahriibayaal Soomaaliyeed oo muddo dheer ku dhibaateysnaa dalka Libiya.

2/17/2018 1:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Dowladda Jarmalka ayaa xirtay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo kooban Abdulkadir , kaa oo la tuhusan yahay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab.

2/17/2018 12:33 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)- Waxaa soo baxaya dhaliillo loo jeedinayo howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Africa AMISOM ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

2/17/2018 12:18 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) – Madaxa baaritaanada farogelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka, Robert Mueller ayaa saddex iyo toban qof oo u dhashay dalka Ruushka ku eedeyay inay ku lug lahaayeen farogelinta Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka Mareykanka.

2/17/2018 12:10 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Xaflad Cashaa oo lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya Ahmed Eise Awad ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

2/17/2018 12:07 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Waxaa soconaya dadaal ballaaran oo dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii loo soo badbaadin lahaa tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan qeybo ka mid ah dalkaasi Libiya, kuwaa oo muddo dheer u xirnaa kooxo Magafayaal ah oo ka ganacsada dadka.

2/17/2018 12:02 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Saraakiisha Booliiska gobolka Isiolo ee Waqooyi Barri Kenya ayaa sheegaya in ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo ka yimid dhinaca gudaha dalka Soomaaliya.