Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)
- Orodyahan reer
London ah ayaa kaalinta kowaad ku guulaystay tartankii ciyaaraha fudud ee
orodka oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.
Tartankan orodka ayaa ahaa laba qaybood oo
ku kala tartamayey 42 KM iyo koox ku ordaysay 10 Km.
Somaliland Marathon waxaa sanadkan ka qaybgallay
orodyahano ajanabi ah oo ka kooban 21 qof oo ka kala yimid dalalka aduunka
sida: Ingiriiska, Talyaaniga, Poland, Faransiiska iyo Jabuuti, waxanay ka
qaybgalleen tartanka orodka ee Somaliland ka socday.
Orodkan waxa ka qaybgallay laba boqol oo
ciyaartoy oo ay ku jiraan 21 Ajanabi ah,kuwaas oo iskugu jiray qoladda 42 KM
iyo qoladda 10 Km ku ordaysay.
Waxaana ugu dambeyn kaalinta kowaad u gallay 42
KM orodyahanka reer London David Harer oo Laba saacadood iyo shan iyo
konton daqiiqo ku cararay 42 KM, waxaanu sheegay markii uu guulaystay in
afartan jeer uu ka qaybgalay orodo caalami ah, haseyeeshee uu saddex jeer uu
kaalinta koowaad galllay, isagoo xusay in marki ugu horeysay uu Afrika ka
qaybgallay ay noqotay orodkan uu Somaliland Marathon uu ka qaybgallay.
Waxa isna kaalinta labaad gallay Guuleed Mawlid
Cabdilaahi oo isagu ka socday Somaliland gaar ahaan Ciidanka Booliska
Somaliland qaybtiisa ciyaaraha fudud uu ku jiro.
Sidoo kale, waxa orodka tobanka kilo mitir kaalinta
kowaad u galay Siciid Farxaan Cumar oo ka tirsan Naadiga ciyaaraha fudud ee
ciidanka Booliska Somaliland, waxa isna kaalinta 2aad u gallay orodka 10KM
Xamse Haybe Aadan oo isna ka tirsan kooxda Ciidanka BOoliska.
Tartankan orodka waxa soo qabanqaabiyey
wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyaradda, waxaana maalgaliyey shirkadaha
ganacsiga ee Somaliland ka hawlgalla, waxa kale oo tartankan qayb weyn ka
qaatay oo Ajanabiga ku casuumay inay tartankaasi ka qaybgallay urur Qurbojoog
ah oo sheegay inay xafiis ku leeyihiin London, kuwaas oo ballanqaaday inay
sanad walba orodyahano caalami ah ku casuumi doonaan tartanka Orodka
Somaliland.
Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Yuusuf
Mire Boos iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa si weyn
usoo dhoweeyey tartankan, waxaanay abaalmarino bilido u badan gudoonsiiyey
orodyahanaddii kaalmaha hore ka gallay tartankan.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.