3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2018
Bandhig Carweed la xiriira Raashinka iyo wax soo saarka oo ka furmaya Dubai


Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) -Gulfood 2018 ama Carwada Cuntada Aduunka 2018 oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalda Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta ayaa berri ka furmi doona Dubai.

Waxaa ka soo qeybgali doonaa 130 wadan oo soo bandhigaya dalgooda iyo Waxa ay soo saaraan, waxaana ay Carwadan noqon doontaa mid suuq u furi doonta wax soo saarka dalalka Bandhiga ka qeybgalaya.

Soomaaliya waa sannadkii labaad ay ka soo qeybgasho, sannadkan waxaa ay nasiib u yeeshay in ay ka soo qeyb-galaan 40 Shirkadood oo beera ama suuq geeya dalaga Beeraha.

Carwadan in ay ka soo qeybgasho Soomaliya sannadkii labaad waxaa fududeeyey mashruuca GEEL (Growth Enterprise Employment and Livelihoods) oo ay maalgeliso dawalada mareykanka.

Ganacsata oo ayaga iska soo baxashay qarashkooda ayaa Hiiraan Online u sheegay in ay mashruucan maqsuud ka yihiin sabbahan soo socda awgood:

In dalag Soomaali soo saartay oo ay dalaaliin ka iibsan jiraan kaddibna magacyo qalaad inta lagu qoro lana sheegan jiray,Balse markii bandhigan lagu arkay ay kashifmeen dalaaliintii qalaad dalagyadiina la qiray in Soomali soo saartay.

Sannadkii hore ka dib kasoo qeybgalkii carwadiiin dhoofinta dalaga korortay 14 milyan oo dollar lana  filayo sannadkan in ay labalaabanto 28 milyan dollar ay gaadho.

Ganacsatada in ay fursad u heleyaan in ay ka bartaan ganacsata adduunka habka casriga ee loo ganacsato loona tayeeyo dalaga beeraha.

Suuqyo toos ah in loo helo dalaga dalka.

In hal goob ay ka helayaan iibsadayaasha adduunka oo idil kari karaanna dalaga soomaaliya in ay iibsadaan adduunka oo idil.

Carwadan oo la filayo shanta cisho oo soo socota inay soo booqdaan dad lagu qisaasay boqolkun oo ruux.

Hiiraan Online ayaa idinla socodsiin doonta hadaba wararka ku saabsan Carwadan caalamiga ah ee cunatada adduunka .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
2/17/2018 2:28 PM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow ayaa wareejiyey dhul ku yaalla degmada Wadajir ee deegaanka Jazeera oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dawladda Turkiga uga dhisi doonto xarun tababar oo casri ah.

2/17/2018 10:39 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Orodyahan reer London ah ayaa kaalinta kowaad ku guulaystay tartankii ciyaaraha fudud ee orodka oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

2/17/2018 9:09 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Dowladda Qatar ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya ilaa 30 gaari oo o loogu talagaly ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho.

2/17/2018 8:52 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Kulankan oo diiradda lagu saarayay xaaladaha dhanka ammaanka ee deegaanada Jubbaland iyo weliba sidii loo dardargelin lahaa....

2/17/2018 5:50 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Buq-A qable ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya goor dhaw Al-shabaab toogasho ku fuliyeen qof ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda.

2/17/2018 5:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Xog-hayaha guud ee Qaraamada Midoobay Antonio Guiteras ayaa u magacaabay dalka Yemen Ergay gaar ah oo cusub oo bedelaya ergaygii hore ee Qaraamada Midoobay Waliika ugu ahaa dalkaasi Ismail Walad Shekh Ahmed.

2/17/2018 4:08 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo maanta ah laga soo dajiyay 11 tahriibayaal Soomaaliyeed oo muddo dheer ku dhibaateysnaa dalka Libiya.

2/17/2018 1:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Dowladda Jarmalka ayaa xirtay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo kooban Abdulkadir , kaa oo la tuhusan yahay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab.

2/17/2018 12:33 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)- Waxaa soo baxaya dhaliillo loo jeedinayo howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Africa AMISOM ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

2/17/2018 12:18 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) – Madaxa baaritaanada farogelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka, Robert Mueller ayaa saddex iyo toban qof oo u dhashay dalka Ruushka ku eedeyay inay ku lug lahaayeen farogelinta Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka Mareykanka.

2/17/2018 12:10 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Xaflad Cashaa oo lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya Ahmed Eise Awad ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

2/17/2018 12:07 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Waxaa soconaya dadaal ballaaran oo dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii loo soo badbaadin lahaa tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan qeybo ka mid ah dalkaasi Libiya, kuwaa oo muddo dheer u xirnaa kooxo Magafayaal ah oo ka ganacsada dadka.

2/17/2018 12:02 AM EST
Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Saraakiisha Booliiska gobolka Isiolo ee Waqooyi Barri Kenya ayaa sheegaya in ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo ka yimid dhinaca gudaha dalka Soomaaliya.