4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2018
Gudiga amniga dowlad goboleedka Jubbaland oo ka shiray xaaladaha dhanka ammaanka


Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL)-Kulankan oo diiradda lagu saarayay xaaladaha dhanka ammaanka ee deegaanada Jubbaland iyo weliba sidii loo dardargelin lahaa qorsheyaasha dib u xoreynta deegaanada ka maqan gacanta dowladda ee ay wado dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Kulankan oo uu shir gudominayay madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan ayaa ahaa mid ay saxaafaddu dibad jog ka ahay, markii uu soo idlaadayna waxaa faahfaahin ka bixiyay waxyaalihii looga hadlay wasiirka amniga Jubbaland Mudane C/rashiid Xasan Cabdi Nuur.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saarayay xaaladaha dhanka ammaanka ee Jubbaland, isagoo xusay in madaxdu sidoo kale ka wada hadleen shirweeyne looga hadli doono amniga dalka oo la filayo in dhawaan lagu qabto Kismaayo.

“Shirka ujeedkiisu wuxuu ahaa in la iska wareeysto xaaladaha amniga ee ay ku suganyihiin gobollada Jubbaland, wuxuu sidoo kale ku saabsanaa wufuud soo socota oo beesha caalamka, dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kuwaa oo looga hadli doono xaaladaha amniga dalka, iyo sidii dib u xoreyn loogu sameyn lahaa magaalooyinka ka maqangacanta dowladda,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in shirkan la isaga xog wareystay qorshe dhanka ammaanka ah oo ay diyaarisay dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo xusay in ay doonayaan in Jubbaland ay ka bilaabaan howlgallo qeyb ka ah qorshaha ay dowladda wado ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.