4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2018
Ergay gaar ah oo loo magacaabay dalka Yeman

 

Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Xog-hayaha guud ee Qaraamada Midoobay Antonio Guiteras ayaa u magacaabay dalka Yemen Ergay gaar ah oo cusub oo bedelaya ergaygii hore ee Qaraamada Midoobay Waliika ugu ahaa dalkaasi Ismail Walad Shekh Ahmed.

Ergaygan cusb oo u dhashay wadanka UK waxaa lagu magacaabaa Martin Garrix waana dibolomaasi wadamo badan ka soo shageeyay.

Afhayeen u hadlay Qaraamada Midoobay ayaa sheegay in Ergayga cusub ee dalka Yeman loo soo magacaabay uu haatan hayo xilka agaasimaha fulinta Machadka Yurub u qaabilsan Nabadda, isla markaana uu yahay dobolomaasi aad u xeel dheer dhanaka wada hadalada iyo dhaedhaxaadinta arrimaha bani’aadanimada.

Ergaygii hore ee dalka Yeman Ismail Walad Shekh Ahmed oo muddo Saddex Sano ah ka soo shaqeeyay Yeman kana waday nabadeyn dhinacyada colaada u dhaxeysa waxa mudada xilkiisa wakiilnimo ee Yeman uu ku eg yahay dhamaadka bishan ayno ku jirno ee Feberayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]