4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2018
Ra'iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo soo dhaweeyay dad dib looga soo celiyay dalka Libiya


Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo maanta ah laga soo dajiyay 11 tahriibayaal Soomaaliyeed oo muddo dheer ku dhibaateysnaa dalka Libiya.

Maryan Yasiin  oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee magafayaasha loo yaqaan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in tani tusaale u tahay sida ay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uga go’an tahay samata-bixinta iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo Guddi loo saaray arrintaas oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Amb. Cali Fiqi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]