4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2018
Jarmalka oo xiray muwaadin Soomaaliyeed oo ku eedeysan in uu ka tirsan yahay Al-shabaab

 

Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Dowladda Jarmalka ayaa xirtay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo kooban Abdulkadir , kaa oo la tuhusan yahay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab.

Xeer ilaaliyayaasha ayaa sheegay in Abdulkadir oo 20 sano jir ah laga soo qabtay gobolka Hesse Khamiistii.

Al-shabaab ayaa la sheegay in uu ku biiray sanadkii 2012-kii, isaga oo qaatay tababar dhinaca hubka ah sidoo kalana ka qeybgalay dilka qof rayid ah ah oo lagu toogtay gudaha masjid.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu isku deyay dilka xubin ka tirsan dowladda Soomaaliya laakiin ka badbaaday isku deygaas dilka ah.

Shaqsigan la qabtay ayaa la sheegay in uu galley dalka Jarmalka sanadkii 2014ka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]