Sabti, Feberaayo, 17,
2018 (HOL) - Waxaa soo baxaya dhaliillo
loo jeedinayo howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Africa AMISOM ka
wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxgaradka iyo odayaasha gobolka oo qaarkood la hadlay warbaahinta
ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobolka marka ay ciidamada dowladda deegaan
la wareegaanba soo dhaweeyaan, laakiin marka danbe ciidamada dib uga gurtaan
goobihii ay qabsadeen taasoo dhibaato Amni ku ah dadka shacabka.
Suldaan Cali Shariif oo ka mid ah waxgaradka degaanada maamulka Koonfur
Galbeed ayaa sheegay in dadka Shacabka aysan u rooneyn howlgallada ay waddaan
ciidamada.
‘’Waxaan leenahay dowladda ma wanaagsana in shacabka iyo Al-shabaab leyska
horkeeno, waayo shacabka oo u hamuun qaba dowladnimada marka ay arkaan ciidamada oo ay soo dhaweeyaan in haddana dib deegaannadii looga baxo arin
wanaagsan ma’aha ayuu yiri Suldaan Cali Shariif.
Wuxuu sheegay in qeybo ka mid ah deegaannadii ay dhawaan tageen ciidamada
dowladda shacabkii ku dhaqnaa qaarkoodna la xirxiray kuwa kalana sida uu hadalka
u dhigay loo geystay jir dil iyada oo lagu eedeynayo in ay taageero u yihiin
dowladda Soomaaliya.
Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa ayaa inta badan dib uga
soo gurta deegaannada ay kala wareegaan Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]