4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2018
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyada Columbus


Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Xaflad Cashaa oo lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

Waxaa soo abaabulay xafladan urur siyaasi ah oo ka dhisan gobolka Ohio laguna magacaabo ( New American Political Action Committee ) waxaana xaflada ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus

Dadka ka hadlay xafladan cashadaa waxa ay intooda badan u hambalyaynayeen Wasiirka oo ay in badan soo wada shaqeeyeen mudadii uu ahaa Safiirkii u fadhiyay dowladda Soomaaliya magaalada DC iyaga oo ku tilmaamay in wasiirku in  uu yahay shaqsi wax-badan ka qaban kara arimaha dibada iyo iskaashiga caalamigaa.

Wasiir Cawad ayaa dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka dagan ka codsaday in la dhiso Guri ay yeelato safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkan Mareykanka iyo in arintaas la iska xil saaro, waxa uu xusay in mudadii uu safiirka ahaa ka gaabsaday in uu soo bandhigo fikirka dhismaha safaarada isaga oo xusay in dadku u arki karaan in macne kale laga wato ama dano gaar ah laga leeyahay, balse waxa uu xusay in iminka uusan safiir ahayn balse uu ogyahay baahida jirta.

Qurba joogta Mareykanka ayuu ku dhiiragaliyay in ay dalkii dib ugu laabtaan isla markaana Indhahooda ku soo arkaan waxa ka jira, waxa uu wasiirku sheegay in Soomaaliya is badashay isla markaana ay ku taagantahay wadadii Horumarka iyo is badalka.

"Waa muhiim in aad waqtigiina qaar siisaan dalka oo aad maskax maal iyo aqoonn ku celisaan xitaa hadii intaas aadan awoodin adigu tag oo fasaxaaga ku soo qaado waxaan hubaa in aad la soo laaban doonto wax ka duwan waxa aad aaminsantahay hadeer" ayuu yiri wasiirka oo dhiiragalinayay qurbaoogta.

Waxaa la weydiiyay su'aalo aad ubadan oo meelo kala duwan taabanayay waxana ugu danbayn wasiirku u balan qaaday in uu samayn doono qorshe isku xiri doona qurba joogta iyo wasaarada arimaha dibada si loo helo iskaashi wax badali kara.

Waxaa la gudoonsiiyay wasiirka shahaado sharafyo kala duwan oo ka socday dhowr xaafiis oo ka mid ah xaafiisyada dowladda gobolkan Ohio.

Dhanka kale wasiirka ayaa Booqday xarunta codbixinta ee xaafada Soomaalidu ugu badantahay isaga oo la kulmay howl wadeenada xarunta iyo shaqaaleheda isla markana waxaa lagu soo wareejiyay qeybaha xarunta iyada oo loo sharaxay hanaanka codbixinta xasrigaa iyo sida ay uga shaqeyso halkan.

Wasiirka ayaa ujeedka booqashada xaruntan ku sheegay in ay qiimayn ku samaynayaan hananka doorashooyinka caalamigaa ee wadamo badan oo caalamka ku yaal si dowlada Soomaaliya ay u diyaariso waqtiga dhow doorasho madax banaan oo Qof iyo Cod ah.

Wasiir Cawad ayaa maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Mareykanka isaga oo kulamo la soo qaatay Soomaalida Virginia, Minnesota, Ohio iyo kuwo kale.

Bashir Taajir