Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Waxaa soconaya dadaal ballaaran oo dowladda
Soomaaliya ugu jirto sidii loo soo badbaadin lahaa tahriibayaasha Soomaaliyeed
ee ku dhibaateysan qeybo ka mid ah dalkaasi Libiya, kuwaa oo muddo dheer u
xirnaa kooxo Magafayaal ah oo ka ganacsada dadka.
Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Ambassador Ali Siciid Fiqi
oo muddooyinkaan dambe ku hawlanaa sidii dhalinyaradaasi loo sii dayn lahaa,
maadaama Madaxweyne Farmaajo arintaasi uu u xil saaray, ayaa wuxuu sheegay
dadaal dheer inay ku guulaysteen arintaasi.
Mid ka mid ah dhalinyaradan dib loogu soo celinayo dalka oo muuqaal Video ah
looga duubay Garoonka Diyaaradaha Caasimada Libya ee Tripoli, ayaa sheegay inuu
ku faraxsan yahay inuu u duulo Magaalada Muqdisho, kadib laba sano oo uu ku
xirnaa dalka Libya.
Waxaa uu sheegay inuu kaga mahadcelinaayo dowladda Somaliya inay ka shaqeyso
sidii xabsiyada Libya iyo magafayaasha looga sii dayn lahaa dhalinyarada
Somaliyed.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa balan qaaday in dowladiisa ay dadaal badan ku
bixin doonto sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Somaliyed ee ku xiran dalalka
caalamka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]