4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2018
Ciidamada dalka Kenya oo qabtay gaari sidey walxaha Qarxa

 

Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Saraakiisha Booliiska gobolka Isiolo ee Waqooyi Barri Kenya ayaa sheegaya in ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo ka yimid dhinaca gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen maamulka gobolkaasi in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay gudaha Soomaaliya.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa Miinooyinka dhulka lagu Aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo Afeysan sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka.

Booliska gobolkaasi ayaa sidoo kale xusay in gaariga ay saarnaayeen waxyaabo la doonaayay in la qarxiyo oo laga sameeyay Kiimiko.

Gaariga Qaraxa siday ayaa waxaa waday labo nin oo Kenyaan ah oo mid ka mid ah lagu magacaabo Cabdimajiid Xasan, waxaana la sheegay in labaduna ay baxsadeen.

Booliska ayaa hadda wadda howlgallo ay ku baadi goobayaan ragaasi.

Maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa xoojiyay weeraradda ay ka geysanayaan gudaha Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Barri.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]