4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Ergo ka socta midowga Africa oo soo gaartay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) - Ergo ka socta waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku jooga Soomaaliya, iyagoo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay gudashada waajibaadka xoogagga nada ilaalinta AMISOM iyo Millitiriga Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban Toban qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar cisho ah, iyaga oo kulamo kala duwan la yeelan doona saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ee TCC loo yaqaan.

Wada hadalka waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray , caqabadaha jira Soomaaliya iyo sidii ay mas'uuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen ciidamada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]