4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Agaasime xalay lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay xaley rasaas ku fureen gaari uu watay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey oo marayay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay rasaasta ku fureen gaari uu watay Agaasime Waxeedka meel ku dhow Bar koontarool oo ciidamada ka ilaaliyeen Madaxtooyada.

Dhaawaca Agaasimaha ayaa la geeyay Isbitaalka Digfeer, waxaana la sheegay in rasaasta ay kaga dhacday xabadka.

Dhinaca kale labo carruur ah ayaa xalay ku geeriyootay qarax ay ku cayaarayeen Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]