4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Dooda Fagaaraha: Warbixin ku saabsan dib u eegista waxyqabadkii dowladda Nabad iyo Nolol ee Maxamed C/llaahi Farmaajo

Talaado, Feberaayo, 13. 2018 (HOL)-Waxaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota lagu soo gaban-gabeeyay doodcilmiyeedka Fagaaraha Forum qeytii 27-aad, taas oo dib u eegis iyo qiimeyn ku sameysay mudadii sanadka ka aheyd ee xukuumadda Nabad iyo Nolol ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dalka ka talinayay.

Doodan waxaa ka qeyb galay Dr. Maxamuud Culusow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, horena u soo noqday wasiirka beeraha iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Prof Xuseen Warsame oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Calgary ee wadanka Canada, madaxna ka ah machadka culuunta siyaasadda ee isla jaamacadaas. 

“Ahmiyad weyn ayay leedahay in la qiimeeyo dowladda, weliba maalin kasta, bil kasta iyo sanad kasta, mana ahan inay dadka qaarkood dhibsadaan, waana in laga faallooda, la xisaabtanka dowladda, waana howl mihiim ah in la iska arkaa. Sababta aan madaxweynaha u qiimeyneyno waa inuu yahay udub dhexaadka isku haya garsoorka, sharci dejinta iyo furinta, waana qofka masuulka ka ah wax kasta oo dalka ka dhaca, lehna saaxiixa ugu dambeeya arrin kasta oo weyn” Ayuu yiri Culusow oo intaas ku daray.

“In dhinaca kale dowladda la iska eedeeyo maahan, laakiin in wixii ay ka gaabisay iyo khaladaadka ay sameeyeen in la ifiyo waa masuuliyad na saran. Waxyaabaha aan wax qiimeyneyno waxaa ka mid ah in tillaab kasta oo la qaaday la waafajiyay dastuurka, sharciga,  danta dalka, dadka iyo diinta.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la qabtay sanadkan waxaan isleeyahay waxaa ka mid ah mushaar bixinta ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, khilaaf la’aanta madaxweynaha iyo Rasi’isul Wasaaraha, soo deynta maxaabiista dibada, tababarada, sharciyada baarlamaanku gudbiyay, cafiska maxaabiista  iyo shaqada hey’adaha lacagta iyo xallinta khilaafkii Ahlusunna Waljameeca iyo Galmudug.

Prof. Xuseen Warsame ayaa isna sheegay inuu dowladda ku qiimeynayo sadex arrimood oo waaweyn oo kala ah; inay dhaqaalaha wax ka qabatay, inay nabad galyada dalka hagaajisay iyo in heybadii dowladnimada la soo celiyay iyo inay billaabeen adeegyadii aas-aasiga ahaa sida caafimaadka, waxbarashada.

“Dhaqaalaha wadanka waxaaa ku soo kordhay 25%, waxayna taasi marqaati ka noqoneysaa in xoogaa kalsooni ah ay ku jirto. Sidaas oo kale waxaa dowladda u hirgashay inay soo uruuriso canshuur gaareysa  143 Miliyan, taas oo ah mid wanaagsan oo dakhligii dowladda kor u qaaday, iyadoo weliba shacabka caadiga ah aan canshuur laga qaadin” ayuu yiri Prof Warsame.

Wuxuu sheegay Prof. Warsame inaysan dhinac kale jirin wax qabad muuqda oo laga sameeyay dhinacyada adeegyada dad weynaha iyo ammaanka.

Dr. Culusow iyo Prof. Warsame waxay sidoo kale isku raaceen inay jiraan khaladaad waaweyn oo dowladda ka dhacay, sida dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax ee Itobiya, weeraradii hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo xildhibaanada, iyo sidoo kale xilka qaadistii iyo Is cilaadihii wasiirada, taliyeyaasha.

Ugu dambeyntii ka soo qeybgaleyaasha doodan ayaa su’aalo ku saabsab waxyaabaha walwalka ku haya weydiisay labada aqoonyahan, iyadoo qaarkodna ay talooyin soo jeediyeeyn 

Siyaad Siciid Saalax, 

[email protected]

Minneapolis, MN