4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Al-shabaab oo dad ku xirxiray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, Feberaayo, 13. 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab xirxireen dad ay ku eedeeyeen in ay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Goobjoogayaal magacooda qariyay oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in 20 ruux ay xireen Al-shabaab, kuwaa oo ay ku eedeeyeen in ay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xariga dadkan ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab ay dib u qabsadeen deganaadan in ay bilaabeen baadigoobka dadkii soo dhaweeyay ciidamada, waxaana dadka qaar saakay ay ka soo saareen Al-shabaab guryahooda oo ay xabsiga dhigeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]