4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Culimada Puntland oo fariin la xiriirta arrimaha Xajka u dirtay Puntland iyo Dowladda Federaalka

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) - Culimadda maamulka Puntland ayaa waxaa ay soo saareen bayaan ku wajahan Puntland iyo Dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan arrimaha la xiriira Xajka iyo kharashka laga qaado Xujeyda intaba.

Bayaanka Culimada ayaa sidan u dhignaa :

Annagoo ah culimada Puntland ee ku kulantay Garoowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax ku wado kaasoo ku astaysanmaamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka,madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada,culinmada soomaaliyeed iyo cid kasta oo masuuliyad ku leh arimaha xajka iyo cumarada.

Wuxuu baaqayagu ka kooban yahay arimahan hoos ku qoran:

1- Waxaan taageersanahay baaqii hore ee culimada Puntland u gudbisay madaxweynaha dawlada federalka xilligii uu safarka ku yimid puntland.

2- Sidoo kale waxaan taageersanahay War-saxaafadeedkii wasiirka cadaalada,arimaha diinta iyo dhaqancelinta puntland uu jeediyey ee uu kaga hadlay arimaha Xajka iyo cumrada soomaaliya.

3- Waxaan ku baaqaynaa in dawladda federalku si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto dhammaan arrimaha xajka iyo cumrada dibad iyo daakhilba.

4- Waa in ay Shacabka soomaaliyeed oo abaaro iyo colaado diloodeen helaan sinnaan iyo cadaalad kana baxaan dulmiga iyo musuqmaasuqa, si ay Rukniga islaamiga ah ee Xajka iyo cumrada u gutaan.

5- Waa in tartan furan oo xor ah ay helaan shirkadaha doonaya inay ka shaqeeyaan arimaha xajka iyo cumrada.

6- Shacabka soomaaliyeed waa inay la mid noqdaan shucuubka kale ee geeska afrika xagga kharashka iyo dhammaan adeegyada xajka iyo cumrada.

7- Waa in la suuragaliyaa sidii shacabku fiisaha uga heli lahaayeen gudaha dalka,lagana soo wareejiyaa safaaradaha sacuudigu ku leeyahay Jabuuti iyo Nairobi,si ay u fududaato arimaha xajka iyo cumrada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]