4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Xisbiga WADDANI oo wasiirka arrimaha dibada iyo safiirka Imaaraadka ka dalbaday inay is casilaan iyo jawaabta wasiirka

 

Isniin, Feberuary,12  2018 (HOL) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa eedeen usoo jeediyey shirkad maalgashi oo la sheegay inay Somaliland leedahay oo wadanka Imaaraadka Carabta laga diiwaangaliyey.

Gudoomiye Cirro waxaa uu sheegay in shirkadaasi tahay weel lagu shubanayo musuqmaasuqa hantidda ummadda,isla markaana ay samaysteen wasiirka Arrimaha dibadda iyo safiirka Somaliland u fadhiya  Imaaraadka Carabta, waxaanu usoo jeediyey inay is casilaan labadaasi masuul hadii kalena madaxweynuhu xilka ka qaaddo.

“Shirkadkan la hadal hayo ee Somaliland Investment Company waxaanu u aragnay fool xumo iyo fadeexad musuqmaasuq oo soo ifbaxday, shirkadan waxa aasaasayaasha ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda iyo safiirka Imaaraadka iyo xoghayaha safaaradda, waxaanu safiirku sheegay in madaxweyne Muuse Biixi la ogyahay oo ay uga wakiil yihiin”ayuu yidhi Cirro oo dhaliilaya shirkadan maalgashiga.

Waxaanu shirkadan ku tilmaamey weel loo samaysanayo in lagu xaddo xoolaha ummadda, waxaanu yidhi “madaxweynaha waxaan usoo jeedinaya in arrintaasi war cad ka siiyo shacabka, waxaanu u aragna shirkadan weel loogu tallogalay in lagu lunsado hantida umadan abaaraha iyo sicir bararku halageeyeen, waa  tuugo sharciyeysan oo looga faa’iidaysanayo xoolaheena, marka labaddan mas'uul waa in ay maanta is casilaan hadii ay is casili waayaan uu madaxweynuhu xilka ka qaaddo, madaweynuhu waa inuu arrintaasi ka hadlo oo uu umada u shaaciyo”.

Dhinaca kale, waxa isna eedaasi iska fogeeyey wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo sheegay in shirkadani aanu qof iyo laba toonna lahayn ee shirkad uu wadanku leeyahay tahay,isla markaana tahay faa’iiddo wadanka usoo korodhay oo heshiishyo la gali karta ganacsatadda aduunka.

 

“Shirkadani waa arrin Somaliland u soo korodhay oo lagu faano, waxa in oo soo kordhay shirkad ay dawladu leedahay oo aanan aniga iyo Safiirku toonna lahayn, iyadoo ay adagtahay in Dubia shirkad sidan oo kale ah laga diiwaangaliyo waxa inoo suurogallay inaanu ka diiwaangalino xarunta maaliyadda ee Dubai ee caalamiga ah, shirkadani wax badan bay inaga caawinaysaa sidii aynu ula dhaqmi lahayn caalamka intiisa kale, shirkadani waxay hoos timaada wasaarada maaliyada ee Somaliland waana shirkad inoo suurogalinaysa in aanu la ganacsano caalamka intiisa kale”ayuu yidhi wasiir Shire.

Wasiirku waxa uu sheegay in labadan magac ee ku qoran ay sababtay xilalka ay hayaan maadaama oo shirkadu tahay mid dawladdu leedahay,isla markaana la rabay in qof ku degan yahay Dubia.

“marka la diwaangalinayo waa in magacyo la geeya magacayda waa inay ahaadaan marka la baadho inay suurogal tahay in la xaqiijiyo waxa ku haboon qof degan meesha, maadama oo uu safiirku degan yahay Dubia ayaa sababtay in lagu daro, qofkii labaad ee loo baahdayna aan anigu noqdo waa shirkad fududaynaysa inay helno maalgasho waana jidkii maalgashiga loo marayey”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadan cusub oo labaddii cishe u dambeeyey soo shaacbaxday ayaa si weyn loo hadal hayey,isla markaana mucaaradku aad u dhaliileen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland