4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo lagu weeraray gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Isniin, Feberaayo,12, 2018 (HOL) - Qarax Miino ayaa kololyo ay la socdeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM lagula eegtay duhurnimadii maanta duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe.

Qaraxan oo noociisa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah kolonyada Ciidanka AMISOM, xilli uu marayay degaanka Il-baq oo ku yaalla duleedka magaalada Balcad, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Qaraxa kadib ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM ayaa la sheegay in ay fureen rasaas, taasi oo ay kaga jawaabayeen qaraxa Miinada ah ee lala eegtay, inkastoo rasaastaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana warar horudhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in Qaraxan uu khasaare ka soo gaaray Ciidanka AMISOM.

Ciidamo Soomaali ah ayaa la socday ciidamada AMISOM xilliga qaraxaan lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaannada Haansheekh iyo Golaley oo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]