4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo saakay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Goobjogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo ahaa mid culus uu dhaxmaray ciidamada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayeey ciidamada dowladda kula wareegeen deegaano hoostaga deegaanka Aw-dheegele.

Iska horimaad halkaa ka dhacay ayaa la sheegay inuu sababay qasaare soo kala gaaray labada dhinac. Sidoo kale rasaasta la isu adeegsaday ayaa waxaa ay wax-yeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano ay hore u maamulayeen Al-shabaab sida Mubaarak, Daarusalaam, iyo degmada Awdheegle oo dhammaantood ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada hase yeeshee baraha taageera ururka Al-Shabaab ayaa qirey in dagaalka uu dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]