Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) - Mas'uuliyiinta
dalka Ruushka ayaa sheegaya in ay darsayaan dhawr arrimood oo ay suurtagal
tahay in ay sababeen in ay soo dhacdo diyaarad ku burburtay meel ka baxsan
magaalada caasimadda ah Moscow.
Burburka diyaaradda ayaa waxaa ku dhintay dhammaan 71 qof oo saarnaa
diyaaradda kuwaa oo isugu jiray rakaabka iyo shaqaale.
Diyaaradda ayaa burburtay wax yar uun kaddib markii ay ka kacday garoonka
Domodedovo ee duleedka Moscow.
Baarayaasha ayaa sheegaya in ay eegayaan suurtagalnimada in burburkaasi uu
ka dhashay cillad dhanka hawada ah, khalad bani'aadamka uu sababay iyo cillad
farsamo.
Ilaa iyo haatan ma aysan soo hadal qaadin suurtagalnimada weerar
argagixisnimo.
Dad goobjoogeyaal ayaa sheegaya in ay arkayeen diyaaradda oo gubaneysa oo
cirka ka soo dhaceysa.
Sidoo kale muqaalo laga soo duubay goobta ay diyaaradda ku soo dhacday ayaa
waxa ay muujinayeen burburka diyaaradda oo ku dhex dhacay baraf aad u xooggan.
Arrintan ayaa ku khasabtay hawlwadeenada ka qeyb qaadanayay gurmadka in ay
baabuurtooda meel fog uga soo tagaan oo goobta diyaaraddu ku dhacday ay lug ku
tagaan.
Diyaaradan oo noocedu yahay Antonov-148 ayaa u safraysay magaalada Orsk ee
xadka Ruushka u la wadaago dalka Kazakhstan.
Waxaa lagu soo waramay in Diyaarada ay ku dhacday meel u dhaw Argunovo oo
sideetan kiloomitir kaga began koonfur bari ee magaalada Moscow.
BBC