4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Meydadka dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu arkay Wajer

 

Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) – Saraakiisha Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay heleen meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo lagu dilay dagaal ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Katulo ee gobolka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

Dagaalamayaashan ayaa ka mid ahaa kooxdii weerartay saldhiga, waxaana booliska ay sheegeen in lagu dilay dagaal socday muddo labo saacadood

Taliyaha Booliska Gobolka Wajeer Stepehen Ngeitich ayaa sheegay inay jiraan dagaalamayaal kale oo u baxsaday dhanka keymaha.

Ciidamo fara badan oo kenyan ah ayaa la geeyay dhinaca xuduuda Kenya iyo Soomaaliya, si ay u baadigoobaan kooxdii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerartay Saldhiga Booliska.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ka geysanayay gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada xadka u dhow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]