Ururka Al-shabaab oo sheegtay in ay dilal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Gedo
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa
sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay sida
ay hadalka u dhigeen xoogag iyaga ka tirsan dilal ka fuliyeen deegaanno ka
tirsan gobollada Hiiraan iyo Gedo.
Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa sheegtay dilka ka dhacay magaalada
Baardheere in lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka,
kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Axmadey.
Sidoo kale Idaacadda Andalus ayaa sheegtay xoogaga ururka
Al-shabaab ee dilka geystay in ay qaateen Qoriga iyo Booshkii uu watay
Askariga, islamarkaana halkaasi ay ka baxsadeen raggii dilka geystay.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegay in gobolka Hiiraan
gaar ahaan magaalada Beledweyne ka fuliyeen dilal loo geystay ciidamo ka tirsan
dowladda Soomaaliya.
Marka laga soo tago sheegashada ururka Al-Shabaab ee dilalkan
ka kala dhacay gobollada Gedo iyo Hiiraan ma jirto ilo madax banaan iyo Saraakiil ka
tirsan dowladda federaalka oo warkan xaqiijinaya.
Magaalada Beledweyne howlgal ciidamada dowladda ay ka
sameeyeen maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu soo qabqabtay dad la tuhusan yahay
in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab, kuwaa oo ku eedeysan in ay magaalada
ka wadeen falal Amniga ka dhan ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]