3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Puntland oo sheegtay in dadka ugu badan ee deegaannadeeda ka tahriiba yihiin Itoobiyaan

 

Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa sheegtay sanadkii la soo dhaafay xeebaha Puntland in ay ka Tahriibeen dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 35,000 oo qof, kuwaasi oo u badan dhalinyaro.

Dadkan ka Tahriibaya degaanada Puntland ayaa Boqolkiiba Sideetan waxa ay yihiin Itoobiyaan, halka Boqolkiiba Labaatan ay yihiin Soomaali, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dadkan ayaa waxaa ay sii maraan dalka Yemen, iyaga oo u jiheysta dhanka Qaaradda Yurub, waxayna la kulmaan dhibaatooyin fara badan, oo loo geysto.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Puntland arrintan ay wax badan ka qaban doonto, si loo bad baadiyo nolosha dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

“Dadka Tahriibayaasha ah, Puntland sanadkii hore waxaa soo galay Tahriibayaal gaaraya 1,250 qof, waxayna ka soo galeen dhanka Tukaraq, dadkan waxay ka imaanayaan Itoobiya iyo Koonfurta Soomaaliya, Boqolkiiba Sideetan dadka ka Tahriibay Puntland sanadkii tagay waxa ay yihiin Itoobiya, halka Boqolkiiba Labaatan ay yihiin Soomaali” ayuu yiri Agaasime (Jubba).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/12/2018 10:03 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si adag uga hadlay eedeyn uga timid ganacsatada gobolka Banaadir oo sheegay in si gaar loogu soo rogay canshuurro dheeraad ah.

2/12/2018 9:45 AM EST
Isniin, Feberuary,12,2018 (HOL)–Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa eedeen usoo jeediyey shirkad maalgashi oo la sheegay inay Somaliland leedahay oo wadanka Imaaraadka Carabta laga diiwaangaliyey.

2/12/2018 9:40 AM EST
Isniin,Feberaayo 12,2018 (HOL)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigle saaka nin Toorey ku dillay magaaladda Hargeysa.

2/12/2018 7:44 AM EST
Isniin, Feberaayo,12, 2018 (HOL)-Qarax Miino ayaa kololyo ay la socdeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM lagula eegtay duhurnimadii maanta duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe.

2/12/2018 6:09 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo saakay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose.

2/12/2018 5:46 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)-Mas'uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegaya in ay darsayaan dhawr arrimood oo ay suurtagal tahay in ay sababeen in ay soo dhacdo diyaarad ku burburtay meel ka baxsan magaalada caasimadda ah Moscow.

2/12/2018 2:59 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gaari xamuul oo mareeyay deegaan dulleedka Waqooyi ka xiga degmada miino la qaraxday.

2/12/2018 1:48 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) - Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in lala xisaabtamayao Taliyeyaasha Ciidamada ee ka howlgala saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliya.

2/12/2018 1:13 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) – Saraakiisha Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay heleen meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo lagu dilay dagaal ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Katulo ee Gobolka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

2/12/2018 1:06 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Maqaamka caasimadda oo waqti badan soo jiitameysay, is qabqabsi badana faraha la galay, wuxuuna su’aal ka keenay maqaamka Muqdisho.

2/12/2018 12:51 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)–Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay sida ay hadalka u dhigeen xoogag iyaga ka tirsan dilal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Gedo.

2/12/2018 12:30 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf aheyd oo xalay xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu qabtay mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya hormarka .