Kheyre : Ciddii aan dowladda garab istaagi karin waa in ay ka joojiso oo kaliya dhibaatada
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha
xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeedinayay munaasabad
casho sharaf aheyd oo xalay xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu qabtay mas’uuliyiinta
dowlad gobolleedyada ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya hormarka .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa
shacabka Soomaaliyeed ka dalabay in Dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan
sidii lo dhameystiri lahaa Dastuurka, Nuuca Doorasho ee dalka uu yeelanayo,
Arrimaha Cadaaladda, Horumarka dalka iyo wax walba oo ku saabsan dib u dhiska dalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay shacabka uga
baahan tahay taageero buuxda.
‘’Shacabka waa in ay taageero buuxda siiyaan dowladda, cidii aanan Dowladda garab istaageyninna
keliya waa in ay joojiso dhibaatada’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.
Sida qorshaha uu yahay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa
Maamul Goboleedyada ayaa 28-ka March ee sanadkan waxa ay isugu tagayaan
magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu qaban doono shir looga hadlayo
dhameystirka Kheyraadka dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]