4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2018
Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Sagaal qof u qabatay iyagoo ka ganacsanaya xayawaanka Diinka

 

Axad, Feberuary,11 2018 (HOL) – Wasiirka horumarinta reer Miyiga iyo deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Boondaro ayaa sheegay in sagaal qof loo qabtay Diiman la doonayo in la dhoofiyo.

Wasiirka wasaaradda ayaa sheegay in sagaalka qof loo gudbiyey maxkamada degmadda Hargeysa,isla markaana sharciga la marin doonno qof kasta oo lagu qabto isagoo xayawaan iibinaya.

“maalmo dhoweyd waxaanu aragnay dad caasho Badhi raadinaya oo godkay gashaba ka daba galaya waxaana la ii sheegay in labaatan dollar lagu iibinayo ma garanayo cidda iibsanaya”ayey tidhi wasiir Shukri Boondaro.

Sidoo kale, waxay sheegtay in sagaal qof loo hayo Diin gaadhi lagu waday oo la iibinayey, waxaanay sheegtay in ciidanka amniga loo xil saaray in gaadiidka la baadho si ugaandho u badbaado.

 

“imika waxaanu qabanay sagaal qof oo Diiman sita oo soo iibinaya, diimankan aanu qabanay waa kuwo waaweyn oo aad u calculus dadka waxa lagu yidhi sida u kala culus yihiin ayey u kala lacag badan yihiin, marka warbaahintana waan ka sheegay in aan la ogolaan doonin lagu qabto Diin oo iibinaysa”ayuu tidhi Shukri Boondaro.

Si kastaba ha ahaatee, Dad badan ayaa soo raadsada Diiman si ay u iibgeeyaan, waxaana wararku sheegayaan in lacag badan lagu kala siisto magaaladda Muqdisho diiman oo lagu iibiyo, taas ayaa keentay inuu suuq noqdo oo Diinkii laga soo urursado miyiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland