Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xiisadda u dhaxaysa Israa'iil iyo Suuriya
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) – Xoghayaha guud ee
Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha
badan loo joojiyo xiisadda u dhaxaysa Israa'iil iyo Suuriya.
Mr Guterres ayaa
sheegay in si dhaw uu ula socdo xiisdda militari ee sii kordhaysa ee labada
dhinac u dhaxaysa.
Militariga
Israa'iil ayaa waxay ku tilmaamee duqaymihi ay ka fuliyeen gudaha Suuriyua ay
ahaayeen duqaymihii ugu waynaa oo noocooda ah ee 30 sano ee ugu dambeeyay ay
fuliyaan.
Afhayeen u hadlay
militariga Israa'iil ayaa sheegay in duqaymaha inta badan lala
bartilmaameedsaday goobo u dhaw caasimada Dimishiq.
Mr Conricus ayaa
sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa oo kali ah saldhigyo militari.
Raisul wasaaraha
Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa ku eedeeyya Iiraan in ay ku soo
xadgudubtay hawada Israa'iil.
Mr Netanyahu ayaa
xusay in Iiraan iyada oo isticmaalaysa dhulka Suuriya ay weerar ku soo qaadayso
Israa'iil.
Weerarada
militariga Israa'iil ay ka fuliyeen gudaha Israa'iil ayaa ka dambeeyay ka dib
markii diyaarad militari oo ay Israa'iil leedahay la soo riday.
Diyaaradan
Israa'iil ayaa ku burburtay gudaha Israa'iil ka dib markii lidka diyaaradaha ay
la beegsateen militariga Suuriya.
Mareykanka iyo
Ruushka ayaa waxay muujiyeen isda ay uga walaacsan yihiin xiisadda sii
kordhaysa ee labada dhinac u dhaxaysa.
BBC