4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2018
Milateriga Turkiga oo diyaarad laga soo riday

 

Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) – Kurdiyiinta ayaa xaqiijiyay in ay soo rideen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo ay leedahay dowladda Turkiga gobolka Afrin ee dalka Suuriya.

Ciidamada dowladda Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo aan joogsi laheyn waxa ay ka wadeen dalka Suuriya.

Inta la xaqiijiyya  labo qof oo sarnaa diyaarada ayaa dhimatay, waxaana ilaa iyo hada aan kala cadeyn in diyaaradaasi lasoo riday ay tahay mid xamuul iyo inay tahay kuwa wax duqeeya.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Tayyip Erdogan oo ka hadlay diyaaradan lasoo riday ayaa sheegay in kuwii ka dambeeyay la ciqaabi doono.

Dadka qaar-na waxaa ay howlgalka Turkigu u ka wado waqooyiga Suuriya ay u arkaan mid sii murjinaya xaalada cakiran ee dalka Suuriya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]