4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2018
Jabuuti : Ololaha doorashada baarlamaanka oo socda

 

Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Guud ahaan degmooyinka dalka Jabuuti waxaa ka socda  ololaha doorashooyinka Baarlamaanka dalkaasi, waxaana ku tartamaya xisbiyada isku tagay aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD iyadoo  ay ku tartamayaan ilaa 65 xildhibaan oo kasoo bixi doonta dhamaan dalka Jabuuti oo dhan.

65-ka xildhibaan ee loo tartamayo 35-xildhiban oo ka mid ah waxa ay kasoo bixi donaan caasimadda Jabuuti halka 30-ka xildhibaan ee kalana laga soo dooran doono afarta gobol ee dalka, waxana xisbiga talada haya kula Tartami doona gobolada dalka.

Ololaha doorashooyinka dalka Jabuuti ayaa waxay  socon doonaan ilaa 23-ka bishan aan ku jirno iyadoo  dadku ay u dareeri donaan goobaha codbixinta.

Ammaanka dalka Jabuuti ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti ay Xisbiyadda ugu baaqeen in ay ololaha u sameeyeen si nabad geliyo ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]