War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Amniga Qaranka ee hogaamiyayaasha Soomaalida
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) – Waxaa lagu soo
gabagabeeyay magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee xalay shir maalmihii ugu
danbeeyayba u soda madaxda federaalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka
Banaadir, waxaana war-murtiyeed ka soo baxay shirka lagu xeeqay qodobo dhowr ah
oo dhinayadu ku heshiiyeen.
Qoddobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah
Arrimaha Amniga Qaranka, Tubta Siyaasadda loo dhan yahay ee 2020 iyo qeybsiga Kheyraadka.
Madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada
iyo Gobolka Banaadir ayaa kala saxiixday heshiis KMG ah oo ku aadan qeybsiga Kheyraadka
kaluumeysiga, inta laga soo dhameystirayo heshiis guud oo ku saabsan Kheyraadka
dalka.
Akhriso War-murtiyeedka:
Golaha
Amniga Qaranka ayaa kulankoodii Lixaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, 6-10
Feebaraayo 2018. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Maaxtooyada – Villa Somalia ee
magaalada Muqdisho. Kulankan oo looga hadlayey arrimaha Amniga Qaranka waxaa shir-guddoomiyey
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo halka kulankii looga hadlayey Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay uu
shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Cali Khayre.
Waxaa
sidoo kale shirka ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Puntland
Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed
Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha
Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna
Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).
Shirka
wuxuu soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir oo ah kulankii ugu
horreeyey. Shirkan wuxuu dabasocday shirarkii joogtada ahaa ee Golaha Amniga
Qaranka yeelan jiray. Goluhu wuxuu bogaadinayaa booqashada taariikhiga ahayd ee
uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku maray Gobollada dalka,
gaar ahaan deegannada Puntland iyo Galmudug.
Wuxuu
kaloo shirku bogaadinayaa dhammeystirka Heshiiskii Maamulka Galmudug iyo
Ahlu-Sunna-Wal-Jamaaca.
Shirkan waxaa diiradda lagu saaray qodobada soo socda:
1.
|
Arrimaha Amniga Qaranka
|
2.
|
Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay
2020
|
3.
|
Qeybsiga Kheyraadka Dalka
(Khaasatan Kalluunka).
|
4.
|
Amniga Qaranka
Goluhu markii uu dhageystay talooyinka ay soo jediyeen Guddiga Farsamada
Amniga Qaranka, tixgeliyeenna aragtiyaha iyo talooyinka ku saabsan amniga
dalka, Golahu waxay isku raaceen qodobada hoos ku xusan.
|
1.1.
In ay Dolwad-goboleedyadu dar-dar geliyaan daraaseynta tirada iyo tayada
Ciidamada Booliskooda oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu, kaddibna la isku dhafo
si waafaqsan Hannaanka Boolisaynta cusub (New policing Model) iyo
qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.
1.2.
Dowladda Federaalku waxay ka caawineysaa Ciidamada Booliska Dowlad-goboleedyada
oo ay ku jiraan Daraawiishta ( Hub, Saanad, Agab Ciidan, Raashin, Dawo, Gunno,
Tababar iyo Tayeyn), ee kala qeyb qaadan doona Ciidanka Xoogga Dalka
Soomaaliyeed (CXDS) hawlgallada ciidan ee lagula dagaallamayo argagixisada.
1.3.
Ciidamada Booliska ee dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Daraawiishtu waxa ay
ka mid yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee hoos-yimaada kana hawl-gala
heer dowlad goboleed, waxayna ka qeyb-qaadanayaan hawgallada ciidan ee wadanka
lagu xoreynayo ayagoo kaligood ah ama kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka (CXDS)
iyo AMISOM.
1.4.
In la magacaabo lana howl-geliyo guddiga isku dhafka ee Ciidamada Xoogga Dalka
Soomaaliyeed (CXDS).
1.5.
Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka oo ka kooban heer Federaal iyo mid Gobol,
waxaa la go’aamiyey in ay kulmaan saddexdii asbuucba hal mar, waxayna xog
dhammeystiran la wadaagayaan Madaxweynaha JFS iyo Madaxdooda.
1.6.
In Xafiiska Amniga Qaranka qorsheeyo una helo miisaaniyad lagu hawl-geliyo
xafiisyada amniga ee Dowlad-goboleedyada.
1.7. in la dadajiyo dhameystirka ciidamada DANAB sida ku xusan qaab-dhismeedka
Amniga Qaranka. Ciidamada Danab waa in la isugu dhafaa si heer qaran ah
tababarka kahor.
2.1.
Waxay Xukuumadda Federaalka soo bandhigtay qorshaha Tubta Siyaasadda ee loo
dhanyahay ee 2020-ka, taasoo dood iyo falanqayn dheer kadib la isla gartay in
ay fulinteeda kawada qayb qaataan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka
ah iyo Gobolka Benaadir.
2.2.
Waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi farsamo oo ka kooban toban (10)
xubnood oo kasoo tala bixin doona Arrimaha Federaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa
si rasmi ah wareegto ugu soo saari doona xubnaha guddiga farsamada iyo
waajibaadkooda shaqo.
2.3.
Iyadoo la tixgalinayo shaqada baaxadda leh ee ay soo qabatay Wasaaradda
Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Arrimaha Sharciga
Doorashooyinka, lagana duulayo baahida loo qabo in la kala xusho Noocyada
Doorashada ee jiri kara, si loo diyaariyo Sharciga doorashooyinka ee lagama
maarmaanka u ah taabagalinta Doorashooyinka qof iyo cod ee 2020-ka, waxaa
Gudiyada Farsamada la farayaa inay si dhaqsa ah usoo gudbiyaan nidaam
doorashada uu dalku qaadanayo muddo aan ka badnayn Afar (4) todobaad.
2.4.
Shirku wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey
arrimaha wadatashiga Doorashooyinka ee Guddiga Madax-bannaan ee doorashooyinku
ka sameeyey qaybo badan oo Gobollada iyo Degmooyinka dalka kamid ah.
2.5.
Waxaa la isku raacay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinku soo
dhammeystiro degaanada ugu dhiman wadatashiga dadwaynaha ee arrimaha
doorashooyinka.
2.6.
Shir-waynuhu wuxuu hoosta-ka-xariiqay ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda
Doorasho qof iyo cod ah ee 2020-ka sida loogu talagalay. Sidaa darteedna waxaa
lagama maarmaan ah in Guddiga Doorashooyinka la siiyo taageerada ay u
baahanyihiin Siyaasad iyo Dhaqaala ahaanba.
2.7.
Markey madaxdu dhagaysatay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Dastuurka uu ku
faahfaahiyey horumarka laga sameeyey Tubta dib-u-eegista Dastuurka ku
meelgaarka ah, Waxaa la isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka ku
meelgaarka ah lagusoo gabogabeeyo sannadka 2018-ka, iyadoo qodabadda
dib-u-eegista loo kala hormarinayo siday u kala muhiimsan yihiin.
1.
|
Arrimaha Wadaagista Khayraadka
|
3.1.
Markii shirku dhagaystay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo
khayraadka Badda lana tixgaliyey baahida deg-degga ah ee loo qabo ka
faa’ifaysiga Khayraadka badda: Waxaa la isla qaatay in la saxiixo Heshiis
ku-meel gaar ah oo ku saabsan qaybsiga dakhliga kasoo xarooda Kalluumaysiga
inta laga soo dhamaystirayo heshiiska guud ee qaybsiga khayraadka dalka.
Madaxda
qaranku waxay isku raaceen in shirka soo socda lagu qabto magaalada Baydhabo
28-ka bisha Maarso, 2018 loogana heshiiyo qaybsiga khayraadka oo dhammaystiran,
iyo hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo sannadka 2020-ka. Madaxda qaranku
waxaa kale oo ay isku raaceen in la dardar geliyo go’aan ka gaarista arriaha
masiiriga ah ee horyaalla sida, awood qaybsiga, hannaanka garsoorka federaaliga
ah, midaynta hannaanka dakhliga, nidaamka dawladeed ee dalku yeelanayo iyo
maqaamka caasimadda Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]