Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha
Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan
Yariisoow ayaa guddi baaritaan u saaray kiiska dad barakacayaal ah oo
dhammaadkii sanadkii tagey xoog looga saaray dhul ay deganaayeen.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa faray guddiga uu magacaabay in baaritaan deg deg
ah oo hufnaan iyo daah furnaanba leh ay ku sameeyaan habkii looga saaray dhul
ku yaalla deegaanka KM 13 dadkii barakacayaasha ahaa ee daganaa.
Guddoomiye Yarisow waxa uu sheegay in magacaabista guddigan ay salka ku
hesyo cabashooyin is-daba joog ah oo ay gobolka u soo gudbiyeen dadkii
barakacayaasha ahaa, iyagoona tilmaamay in lagula-kacay xad-gudub iyo gabood
fal.
Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay maamulkiisa wax ka
qabashada xad gudubyada ka dhanka ah dadka nugul, iyadoona xoogga la saari
doono sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sharciga.
“Ma qaadan karno in dhagaha aan ka fureysanno tabashooyinka ay qabaan dadka
barakacyaasha ah. Maamul ahaan waxaa naga go’an in aan dhidibada u taagno
hannaan ku saleysan ilaalinta sharciga iyo xuquuqda muwaadinka.
Si taas loo gaarana waa in aan
tixgelinnaa dhammaan tabashooyinka ay qabaan bulshada ku dhaqan Gobolka.” ayuu
yiri guddoomiye Yarisoow.
Guddiga loo xil-saaray arrinkan ayaa ka kooban shan xubnood waxaana
hoggaamineysa Guddoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee gobolka Marwo
Basma Caamir Axmed, iyadoona xubnaha kale ay kala yihiin, Maxamed Ismaaciil
Cabdullaahi, Zakiya Axmed Xuseen, Mahad Xuseen Axmed iyo Drs Hodan C/llaahi Cali
oo ka kala tirsan hay’adaha xuquuqul Insaanka, Maamulka Gobolka iyo bulshada
rayidka ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]