4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Diyaarad Israa'iil leedahay oo lagu soo riday Siiriya

 

Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Diyaarad nooca dagaalka oo ay leedahay Israa'iil ayaa maanta lagu soo riday Suuriya, kaddib markii lagu dhuftay gantaal kuwa lidka diyaaradaha ah oo ay ku soo rideen Milateriga Suuriya.

Saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay in diyaarad dagaal nooceedu yahay F-16 oo howl gal ka waday Bartilmaameedyo ay Iiraan ku leeyihiin gudaha Suuriya la soo riday, iyadoo labadii duuliye ee diyaarada saarnaa ay baarashuut kaga boodeen.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo ay leedahay Iiraan ay ku soo xadgudubtay hawada Israel, iyadoo markii dambe la hor-joogsaday.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa ka jawaabayay tallaabada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay soo direen Iiraan, waxaana kaddib weeraro ka fuliyeen gudaha Suuriya.

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa xaqiijiyay in militarga dalkaas ay soo rideen diyaarad dagaal ay leeyihiin Israel oo ku soo xadgudubtay gudaha dalkaas.

Waa markii u horeysay ee Israel looga soo rido diyaarad dagaal, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda Suuriya oo haatan 7 sano jirsaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]