4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Dowladda Suuriya oo hakad galisay duqeymaha goobaha mucaaradku ku xoogan yihiin

 

Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) – Dowladda Suuriya ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay duqeymihii ay ka waday goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha Mucaaradka ah ee dowladda kasoo horjeedda.

Dowladda ayaa Shan maalmooda duqaymo ka waday bariga magaalada Ghouta oo u dhaw caasimada Suuriya ee Dimishiq.

Ghouta oo ay mucaaradka haystaan ayaa la go’doomiyay, waxaana gabaabsi ah cunnada ,biyaha iyo daawooyiinka, iyadoo ay hay’adda Qaramada Midoobey ku baaqeen in duqeynta la joojiyo.

Joojintaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aadan in dagaalka la soo afjaro.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 200 oo qof ayaa ku dhintay intii ay duqaymaha dowladda socdeen.

Faransiiska ayaa ugu baaqay Ruushka oo taageera dowladda Assad in ay xukuumadda Dimishiq ugu baaqaan in ay joojiso tillaabooyiinka ay wado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]