4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2018
Cabdiwali Gaas oo kulan ku martiqaaday golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada

 

Sabti, Feberaayo, 10, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku casuumay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada inay shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha Maarso ee soo socoto.

Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa loo kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulanka ayaa looga wada hadli doonaa arrimo quseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa dalka kaga aadan Golaha.

Shirkii u horeeyay ee lagu dhisay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka dhacay bishii October ee sanadkii 2017 magaalada Kismaayo, xilligaasoo ay soo saareen war murtiyeed ku aadan xaalada dalka iyo khilaafkii dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxweynaha Puntland :

 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]