Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay xubno ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madax ka socota jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan.
Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta waxbarashada dalka, waxaana wafdigan hoggaamineyay guddoomiye ku-xigeenka jaamacadda Afrika Dr. Muuse.
"Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan, wafdigan waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeeynka jaamacadda Dr Muuse, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka naga dhexeeya iyo sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada". ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ,Cabdulaahi Goodax Barre.
Xubnahan ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan ayaa sheegay in ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan, ay ka go’an tahay waxbarashada.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda dalka Suudaan ay u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed,isagoo inta ku daray in wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiiinta.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]