4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Shir dib loogu eegayo nabadda oo magaalada Gaalkacyo lagu qabtay

Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Shirka dib-u-eegista nabadda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo,iyadoo ujeedka shirka uu ahaa qiimeyn ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay guddiyada isku dhafka ee labada dhinac iyo maamullada degmada iyo gobolka.

"Shirkan waa ka duwanyahay shirarkii hore, waa shir dib u eegis oo lagu qiimeynayo heerka ay mareyso nabadda magaalada Gaalkacyo, waxyaabihii u qabsoomay maamulka labada dhinac iyo guddiyadii isku dhafka ahaa oo ay ugu horreeyaan guddiga isku dhafka ah ee odayaasha magaalada Gaalkacyo, waxaa kalo jira guddiyo kale oo isugu jira haween iyo dhallinyaro, balse shirkeenu waa maxaa u qabsoomay guddigii shaqada loo xilsaaray oo si wada jir ah u qaaday mas'uuliyadii nabaddeynta walaalaha reer Gaalkacyoodka ah ?". ayuu yiri Rooble Daahir Xiriirayaha arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo furitaanka shirka ka hadlay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu fallanqeeyay waxyaabaha dhiman ee la doonayo inay qabtaan guddiyada isku dhaf iyo maamullada labada dhinac,waxaana guddoomiyayaasha degmada iyo gobolka ay soo jeediyeen in la dardar geliyo nabadda magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Guddiyada nabadeynta oo xubno ka mid ah ay shirka ka hadleen ayaa xaqiijiyay inay dardar gelin doonan dadaallada ku aaddan nabadeynta iyo is dhexgalka bulshada gobolka Mudug.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Puntland , oo gabagabada shirka hadal jeediyay waxa uu soo dhaweeyay dadaallada nabdeynta ,isagoo hal arrin usoo jeediyay guddiyada 'Waxaan ku baaqaya in qadka cagaaran ee la sheego loo beddelo qadka cad' ayuu yiri.

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada nabadeynta magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]