4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Go'aano laga soo saaray heshiis laba beelood oo wada dega Degmada Taleex


Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Munaasibad aad u balaadhan oo lagu qabtay magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa laga soo saaray qodobo dabar looga dhigay nabad waarta oo soo gabagabaysa colaad ku dhowaad toban sano ka taagnayd halkaas.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Madax dhaqameed, Culimada, Aqoonyahanka, iyo bulshaweynta magaaladaasi ayaa lagaga hadlay dhibaatooyinkii mudadii colaadaasi taagnayd sooaray iyo dibu dhaca ku yimi.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo halkaasi ugu horayn ka hadlay ayaa waxa uu ku dheeraaday mahad celinta dad mudada ugu sugnaa Taleex ee dantoodii u baajiyey, waxaanu ku dhawaaqay in ay qaateen xukunka isagoo ku hadlayey afka reer Taleex.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hadal dheer halkaasi ka soo jeediyey ayaa sheegay in nabada ay maanta u taagan yihiin ay ka timi dadka Taleex iyaguna ay is raacinteeda iyo xaalxaalkeeda ay u yimaadeen, isagoo intaas ku daray in ay diirada ku haynayaan wixii ka soo noqda , cidii maanta jebisa nabadaana in wax layska yidhi ayuu farta ku mudday.

Labada Caaqil ee labada beelood Caaqil Ismaaciil Maxamed Cali Koore iyo Caaqil Shiine Xaaji Cali Shire ayaa si qiiro leh ugu dhawaaqay in ay dhab ka tahay nabadaa maanta la dhidbay in ay iska kaashanayaan illaalinteesana labada dhinacba way xuseen.

Go' aamada shirkaasi laga gaadhey ayaa ah kuwan :

  

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G Sool.