4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Wafdigii Aqalka sare oo kulamo la qaatay ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-Kulankan oo ka dhacay xarunta aqalka martida Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland, sida Ururrada Jaamacadaha, Aqoonyahannada, Dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada, Culumaa’udiinka iyo qeybaha kala ee bulshada.

Kulanka intii uu socday ayay gudoomiyaha iyo ururrada bulshada isweeydaarsadeen aragtiyo ku saabsan khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo hannaanka dhexdhexaadinta ee aqalka sare.

Gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/dullaahi ayaa rajo ka muujiyay dadaallada nabadeed ee ay wadaan, isagoo xusay in madaxda Jubbaland uu kala kulmay soo dhaweyn wanaagsan, islamarkaana uu rajeeynayo in dhawaan lasoo afjaro khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Dhinaca kale, Wafdigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha aqalka sare oo ay wehlinayeen Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay booqdeen dekedda magaalada Kismaayo, halkaa oo ay kormeer ku tageen qeybaha kala duwan ee Dekedda.

Wafdiga ayaa intaa kadib booqasho ku tagay deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 13-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo, halkaa oo ah goob loo dalxiiis tago, islamarkaana ah deegaan bilic qurxaan, Kuna yaal goobta uu webiga Jubba kaga daro badweynta Hindiya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.