4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hor yimid kala diristii guddiga Maaliyadda

 

Sabti, December, 08, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale faray xukuumadda in ay u hoggaansanto shaqada Guddiga Golaha Shacabka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka hey’adaha  dowladda, waxaana muuqata in guddoomiyuhu la dhacsan yahay warbixintii ay soo saareen guddiga maaliyada ee abuurtay in markii danbe la kala diro.

Akhriso Qoraalka guddoonka Golaha Shacabka :

  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]