3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Wasiir Faratoon : Mar walba Somaliland diyaar ayeey u tahay wada hadallada Soomaaliya

 

Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in Somaliland mar walba diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Soomaaliya.

‘’Somaliland mar kasta diyaar bey u aheyd mana ka hor iman wada hadal lala galo Soomaaliya, diyaar ayeey-na u tahay in ay Soomaaliya wada hadalaan oo wixii leysku hayo miiska la soo dhiggo’’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo la hadlayay Idaacada VOA.

Mar wax laga weydiiyay dowladda Mareykanku qorsheyneyso in safaaraddeeda u rarto magaalada Muqdisho waxa uga qorsheysan Somaliland in ay ku qasbanaan doonaan in ay tagaan safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayuu yiri ‘’ Maya taasi marnaba ma dhici karto, haddii ay Mareykanka safaaraddooda u raraan magaalada Muqdisho, dabcan iyaga ayeey u talaa sida aan isku arkeyno iyo goobta kale oo aynu ku kulmi karno’’ ayuu yiri Wasiirka.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in aysan la hadli doonin dowladda Soomaaliya ilaa ay ogolaato sida uu hadalka u dhigay madax-bannaanidda Somaliland.

Laakiin dhawaan waxaa magaalada Hargreysa tahay saraakiil ka socda midowga Yurub oo kala hadlay madaxweynaha Somaliland wada hadallada Soomaaliya iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/8/2018 2:20 PM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa hoygiisa qado ugu sameeyay guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka.

12/8/2018 2:16 PM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madax ka socota jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan.

12/8/2018 2:11 PM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Gabdho Soomaali ah oo si iskood ah isku xilqaamay oo ka socda magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa gargaar caafimaad ka wada qeyba ka mid ah Soomaaliya.

12/8/2018 2:06 PM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Shirkadda maamusha dekedda caasimadda Muqdisho ee Albeyrak ayaa maanta soo bandhigtay qalab cusub oo dekedda lagu soo kordhiyay, kaas oo la sheegay inuu wax badan ka tari doono socdaalka iyo hagidda Maraakiibta waa weyn ee xamuulka sida ee ku soo xirta dekedda.

12/8/2018 2:02 PM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulamo gaar gaar ah maanta la qaatay safiirrada Ingiriiska iyo Sacuudi Carabiya u fadhiya magaalada Muqdisho.

12/8/2018 1:34 PM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Musharraxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Mudane Cali Xaaji Warsame oo socdaal ku maraya gobollada Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Qardho.

12/8/2018 12:44 PM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Shirka dib-u-eegista nabadda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo,iyadoo ujeedka shirka uu ahaa qiimeyn ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay guddiyada isku dhafka ee labada dhinac iyo maamullada degmada iyo gobolka.

12/8/2018 10:14 AM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Munaasibad aad u balaadhan oo lagu qabtay magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa laga soo saaray qodobo dabar looga dhigay nabad waarta oo soo gabagabaysa colaad ku dhowaad toban sano ka taagnayd halkaas.

12/8/2018 9:46 AM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-Kulankan oo ka dhacay xarunta aqalka martida Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland, sida Ururrada Jaamacadaha, Aqoonyahannada, Dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada, Culumaa’udiinka iyo qeybaha kala ee bulshada.

12/8/2018 6:20 AM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

12/8/2018 4:18 AM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)- Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay gobolka Oromiya magaalada Jimma madaxweynayaasha dowladdaha Jabuuti iyo Sudan, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xassan Al-Bashiir

12/8/2018 3:24 AM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-Dowladaha Mareykanka iyo Ingriiska ayaa ku eedeeyey Dowladda Siiriya iyo Xulufadeeda ee Ruushka in ay been abuurteen wararka sheegaya in kooxaha falaagada dalkaasi Siiriya ay sunta Kiimikada ah ay u adeegsadeen dad shacab ah,taasi oo ay wax kama jiraan ku tilmaameen.

12/8/2018 3:16 AM EST
Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-Jabhada ONLF oo muddo ka badan 30 sano dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa hadda sheegtay in halgankeedii u badali doonto qaab nabadeed.

12/8/2018 12:21 AM EST
Sabti, December,08,2018 (HOL)- Hay’adda cunadda adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO ayaa sheegtay in xaalada Bini’aadanimo midii ugu xumeyd in ay ka jirto dalka Yemen oo dagaallo sukeeye ay ragaadiyeen.