4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
NISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan al-Shabaab

Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–   Hay'adda sirdoonka iyo nabadsugidda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay labo xubnood oo ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Howlgalka lagu qabtay labada ruux ayaa ciidammadu ka fuliyeen deegaanka Sabiid Caanoole , ee gobolka Shabeellada hoose, sida ay baahisay NISA.

Sidoo kale, warbixinta NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay saanad ciidan iyo walxaha qarxa.

Al-Shabaab ayaa ku xooggaan gobolka Shabeellaha hoose ,halkaas oo la rumeysan yahay inay ka soo abaabusho weerarrada ay ka fuliso caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]