4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
Aabbe Gabdhahiisa dilay oo kasoo muuqday maxkamad ku taalla Kenya

Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–  Maxkamad ku taalla deegaanka Shanzu, ee is maamulka Mombaasa ayaa maanta waxaa ka soo muuqday John Maina Wang’ombe, oo khamiistii dilay labo gabdhood oo uu isagu dhalay.

John Maina Wang’ombe, ayaa mar keliya cadaadis uu kaga sameeyay luqunta iyo xabadka qudha kaga jaray, Angel Wanja iyo  Grace Wangui, oo da’dooda lagu kala sheegay Lix jir iyo Afar jir, xilli uu sarqaansanaa.

"Waa run in aan Gabdhaheyga laayay, waan sarkhaamay , waanan garwaaqsaday dembiga aan galay". ayuu yiri, John Maina Wang’ombe isagoo marka ku qeyliyay ereyo qoomamo iyo caro leh oo uu ka dhex sheegay Maxkamadda dhexdeeda.

Xilliga uu shilkan dhacayay ayaa la sheegayaa in Hooyadood ay ku maqnayd  shaqo, markaas oo uu Gabdhaha u sheegay inuu siinayo Cambe, balse markii dambe ku dilay Guriga dhexdiisa, sida ay wargeyska Daily Nation u xaqiijiyeen dadka deriska la ahaa Mr, Wang’ombe.

Garsooraha Maxkamadda, Diana Mochache, ayaa ammartay in dambiilahan Xabsiga lagu hayo muddo toddobaad ah, si loo hubiyo xaaladdiisa loona dhammaystiro kiiskan uu Gabdhaha ku laayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]